|
Banaan baxyadaan ay dad waynuhu
dhigayen ayaa waxay sababateen dhimashada Ilaa iyo 3
ruux oo ka mid ahaa dibad baxayaashii ee maanta,
Mudaaharaadyadaan maanta Muqdisho
ka dhacay oo ahaa kuwi ugu weeynaa oo noocooda oo kale
ah oo ka dhaco magaalada ayaa waxaa ay saaka aroorti ka
biloowdeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey waxaana
si isku mid ah hal mar uga wada biloowdeen degmooyinka
Hodan, Howlwadag, Xamarweyne, Waaberi, iyo xamar jajab
laakin kii ugu weeynaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Weyn ee
Bakaaraha halkaas oo ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah
oo aad ucareeysnaa kana soo horjeeday diidmada iyo kala
sooca lacagaha kunka shilin ee Soomaaliga ah.
Dadka maanta ku dhintay ayaa waxaa labo ka mid ah waxaa
ay ku dhinteen xaafadaha Suuqa Boocle iyo kax
Shiiqaaleed ee degmada Dharkeenleey ee magaalada
Muqdisho waxaana qof kale oo Oday ahaa uu ku dhintay
Msaajid ku yaalo deegaanka KM4 kaasoo dhaawac soo gaaray
ugu geeriyooday halkaasi sidoo kale ilaa iyo 4 ruux ayaa
iyaduna la tilmaamay in ay ku dhaawacmeen waxaana la
geeyey dhaawacyadooda cisbitaalada Muqdisho.
Dibad baxyadi maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa
waxaa ay saameeyn weeyn ku yeesheen guud ahaan
ganacsigii magaalada Muqdisho oo maanta albaabada loo
laabay waxaana xitaa la waayey baabuurti BL-ka aheyd oo
iyana la xareeyey.
Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa iyaguna qeeybaha duhuradi
la galo usuuro galin ardayda wax ka barato halka kuwa
saakay aaday ay waayeen baabuur ay soo raacaan.
DFKS ayaa ugu baaqaday dadka in ay is dajiyaan isla
markaana ay rabshadaha daayaan.
Afhayeenka Booliska C/laahi Shacshac oo warbaahinta la
hadlay ayaa ugu baaqay shacabka in ay joojiyaan
dibadbaxyada rabshadaha wato laakin ay si caadi ah
umudaaharaadaan hase yeeshee hadalkaasi ma joojin dibad
baxyada.
Dibadbaxyadaan oo umuuqday in ay yaraadeen wixi ka
danbeeyey 1:00 duhur nimo ayaa wali waxaa laga
dareemayaa meelo ka mid Muqdisho waxaana wali xiran
ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka iyo dadka.
Dibad baxaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay
ganacsatada bilaabeen in ay diidaan lacagaha nadiifka ah
qaar marka laga yimaado tan jeexaan waxaana lacagaha ay
uu kala saareen kuwo gaduudan iyo kuwo waxoogaa cadaan
ah.
Lacagta gaduudaan ayaa ah tii horey loo isticmaali jiray
halka tan kale ee cadaan xigeenka ah ay tahay mid lagu
soo sameeyey gobolada Puntland.
Horey ayaa ganacsatadu waxaa ay udiideen lacagaha duuga
ah iyo lacagaha jexan laakin waxaa hadana ay bilaabeen
in ay kala soocaan lacagaha shilin Soomaaliga ah.
Daawo sawirada
Banaa baxa |
|